SHIRKADDA SOMALI MEAT COMPANY OO LA GUDOONSIIYE SHAHAADADA ISO 22000:2018,
Munaasabad lagu daah furarayay ogolaanshaha bixinta shahaadada ISO 22000:2018 oo ay soo agaasintay Shirkadda HALICS oo ah shirkad caalami ah oo bixisa shahaadada ISO 22000:2018 ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa madax ka kala socotay hay’ado kala duwan sida, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS iyo masuuliyiin kale ayaa shirkadda SOMEAT lagu gudoonsiiyey shahaadada caalamiga ah ee ISO 22000:2018,masuuliyiinta kasoo qeyb gashay oo dhammaantoodba bogaadiyay, soona dhoweeyay guushan taariikhiga ah ee usoo hoyatay Shirkadda Hilibka Soomaaliya (SOMEAT) oo ah shirkad Soomaaliyeed oo suuqyada caalamka iyo tiknolojiyada casriga ah lajaanqaadeysa.HALICS ISO 22000:2018 (2025)
SOMEATISO 22000:2018 (2025)












